USA: Trump oo u xushay Rag cunsuriyiin ah inay qabtaan xilalka Xeer illaaliyaha Guud iyo Lataliyaha dhanka Amniga – VIDEO

Waxaa markale xiisadi ka dhalatay ragga lagu wado Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump inuu u magacaabo xilalka muhiimka ah ee Xeer illaaliyaha guud iyo Lataliyaha dhanka amniga.

Trump ayaa la sheegay inuu u xushay Senatorka laga soo doortay gobalka Alabama Sen. Jeff Sessions inuu noqdo Xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka.

Sen. Sessions ayaa horey marar badan loogu eedeyey falalka cunsurinimo ah oo ka dhan ah dadka madowga Maraykanka, waxaana walaac weyn laga muujinayaa in ninkan loo dhiibo xilka Xeer illaaliyaha Guud.

Donald Trump ayaa la taliyihiisa dhanka Amniga u xushay Jeneraalka Shaqada Ka fadhiistay ee Michael Flynn oo kamid ahaa raggii sida weyn u taageeray xiligii uu ololaha ku jiray, ninkan ayaa lagu yaqaan naceybka uu u qabo Muslimiinta, waxaana la filayaa inuu saameyn weyn ku yeelan doono qaabka xukuumada cusub ulla macaamili doonto muslimiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xukuumada cusub ee Trump diyaarinayaan qorshe la doonayo in lagu diiwaangeliyo dadka muslimiinta ah ee taga dalka Maraykanka.

Madaxweynaha cusub ayaa dhinaca kale Agaasimaha hay’ada sirdoonka ee CIA-da u magacaabaya Xildhibaan ka tirsan Aqalka Kongareeska oo lagu magacaabo Mike Pompeo. Ninkan ayaa horey uga soo mid ahaan jiray Guddiga Baarlamaanka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Sirdoonka.