Golayaasha Khaatumo oo Maanta Shir uga furmay Buuhoodle iyo Madaxwayne Galaydh oo ka Qayb Galay

Magaalada Buuhoodle gaar ahaan Hotelka Abdi Guray Waxaa Maanta ka Furmay Shirwayne Balaadhan oo u Furmay Labada Gole ee Maamulkaasi Khaatumo Shirkani ayaana Waxaa ka Qayb Galay Madaxwaynaha Maamulkaasi Pro Cali Khaliif Galaydh iyo Kuxigenkiisa Abdale Cali Haybe.

 

Shirkani ayaana Waxaa Warar Hordhac ahi ay sheegayaa in Madaxwayn Galaydh oo Warbaahinta uga Xog Waramaya Safarkii uu ku tagay Wadamada Itoobiyaha iyo Jabuuti Halkaasi oo Kulama Kulmay Masuuliyiin ka socotay Maamulkaasi Somaliland Gaar ahaan Wadahalkii Khaatumo iyo Somaliland.

 

Shirkani ayaana Madaxwayne Galaydh Warbixin Balaadhan Halkaasi ka jeediyey Waxaana Shirkani oo ahaa Mid Wakhti Badan Qaatay loo Diiday inay Saxaafadu Wax Badan ka ogaato Warbixinta Madaxwayne Galaydh Maanta u Jeedinayey Labada Gole ee Maamulkaasi Khaatumo.