War Deg Deg Ah::Qarax Ka Dhex Dhacay Villa Baydhabo Ee Muqdisho

War Deg Deg Ah::Qarax Ka Dhex Dhacay Villa Baydhabo Ee Muqdisho

Wararka inaga soo gaadhaya xarunta Villa Baydhabo ee ciidanka Xoogga dalka Somaliyed, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhex dhacay qarax.

 

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid lagu soo xidhay gaadhi uu leeyahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo gaadhigiisa ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo.

 

Gaadiidka yar yar ee ay leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, badanaa lama baaro, waana mida sababtay qaraxan oo gaadhi ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi gaadhi ee ka dhex dhacay Xarunta Villa Baydhabo oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyo.

Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xidhay.