War Sir Ah Oo Khashifay Malaayiin Dolar Oo Wakhti Kooban Kasoo Xerooday Macdanta Siimoodi Iyo Awdal Oo Dekeda Lughaya U Raadinaysa 8 Milayn Oo Dolar

Warar soo gaadhaya xafiiska wararka Boramanews ayaa sheegaya in Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale(Wajixun) uu si hoosa uga waramay dhaqaalaha wasaaradiisa kasoo galay shirkado uu saxeexyo kaga qaaday malaayiin lacag ah.

Wasiir Xuseen oo si sir ah ugu gudbiyay rag saaxiibadii ah oo qurbajoog ah ayaa tibaaxay in dhaqaale xaqu qalin ah kaga qaaday shirkado 4 ah oo shidaal baadhis ka bilaabayay Somaliland balse uu ku sheegay in dawlada Somaliya ay kala daadisay.

Wasiir Xuseen ayaa sheegay in Somaliland dhaqaale la dhayalsan karin waqti kooban ay kaga heshay mashruuca macdanta ee Siimoodi gobolka Awdal.Ninkani Shiinaha ah iyo anaga heshiis wanaagsan ayaa naga dhexeeya,waxaana ku guulaysanay inaanu Siimoodi ka samayno lacag ka badan 67 Milyan oo doolar waqti yar oo kooban,qalab xumo iyo shaqaalaha oo yar ayaa hoos u dhigay wax soosaarka iyo ninkani Shiinaha ah oo dawladiisu shirkad ahaan u aqoonsanayn ayuu Wasiir Xuseen yidhi,mar uu ka hadlayay dadka deegaanka ayuu wasiirku sheegay in waxoogaa dhaqaale ah ay odayaashii u qaybiyeen wuxuuna sheegay in qayladaasi soo afjarantay imika hawshuna si fiican u socoto.

Warkani sirta ah ee uu ka waramay wasiirka macdanta Somaliland ayaa iftiimiyay in dhaqaalaha Macdanta ee Gobolka Awdal uu yahay kan ugu awood abadan dakhliga maamulka Siilaanyo,balse aan la,ogayn inta uu ninka Shiinuhu qaato,inta qoyska Siilaanyo qaataan iyo inta dakhliga dawlada gasha.

Dadka deegaanka Macdanta laga qodo ee Siimoodi ayaa malaayiintaasi dolar waxa ay ka heleen 4 qol oo lagu sheegay dugsi ay caruurtu wax ku bartaan,xiligii abaarta ba,ani ku dhufatay Awdal ayaa 200 jawaan oo raashina loo qaybiyay dadka deegaankaasi,waxaana uu ninka shiinuhu balanqaaday inuu sanad raashinkii bilwalba dadka deegaanka u qaybin doono balse balantaasi wali waxba lagama arkin.

Waxgaradka Awdal ayaa la daalaa dhacaya dhismaha dekeda Lughaya oo lagu sheegay inay u baahan tahay 8milyan oo dolar oo kaliya,waxaana muuqata in Macdanta Siimoodi ay Awdal u dhisi karto Dekeda Lughaya iyo jid casriya oo isku xidha deegaankaasi iyo gobolka intiisa kale,waa haddii la helo Waxgarad iyo odayaal u guntada in macdantooda Siimoodi hubiyaan waxa kasoo baxa iyo in dhaqaalahaasi dhulkooga dib u galiyaan.