(10/08/2016) Erdogan Iyo Putin Oo Heshiisyo Ganacsi Oo Malaayiin Dolar Ah kala Saxeexday Iyo Xidhiidhka Labada Dal Oo Laga Wadahadlay (Video)

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ay isugu soo dhowaanayaan labada dal, kadib markii bilo ka hor uu xumaaday xidhiidhkooda.

Recep Tayyib Erdogan iyo Vladamir Putin ayaa sheegay inay furaay baal cusub oo taariikhi ah, isla markaana ay joogteyn doonaan iskaashigooda ganacsi ee labada dal.
Erdogan ayaa sheegay in labada dal uu xiriirkooda ka wanaagsan yahay sidii horay u ahaa, isagoo soo dhoweeyay wada hadalada isaga iyo Putin.
Madaxweynaha Turkiga ayaa booqashadii u horeysay ee dibada shalay uga ambabaxay dalkiisa, kadib afgambigii fashilmay ee dhacay bishii hore ee July.
Ruushka ayaa u muujiyay saaxibtinimo, kadib markii uu dhacay afgambiga, sidoo kale waxaa la sheegay in Ruushka uu markii hore ku wargeliyay Turkiga afgambiga la qorsheynayay.
Xidhiidhka Turkiga iyo Ruushka ayaa xumaaday, kadib markii Turkiga uu soo riday bishii November ee sanadkii hore diyaarad dagaal uu Ruushka lahaa.
https://youtu.be/VRO5rqI2qdw