Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Golaha Dhaqanka Awdal Iyo Wasiirada Siilaanyo Oo Ka Yaabsaday Dadkii Ay Matalayeen

Warar dheeraada oo xog ogaal soo gaadhsiiyeen Boramanews ayaa tafaasiil dheeraada waxa ay ka bixiyeen shirkii wasiirda Siilaanyo ee ku sugan Borama la yeesheen Odaydhaqameedka Iyo Waxgaradka Awdal Magaalada Borama.

Shirkani oo uu furay wasiirka Waxbarashada maamulka Hargeysa Cabdilaahi Dheere ayaa hadalkiisa ku bilaabay inay iyagoo matalaya dadka Awdal shir la yeesheen Siilaanyo Madaxtooyada isla markaana dhamaan wasiirada Awdal aqbaleen in diiwaangalin laga bilaabo goobaha muranku ka taagan yahay ee deegaanka Lughaya,taasi oo xuquuqda dadka halkaasi mudan yihiin in ay codeeyaan,waxaana uu Wasiirku si cad u sheegay Hargeysa deegaanadaasi la hoosgaynayo oo Awdal lagu diiwaangalinaynin.

Wasiir Cali Xaamud Jibriir oo isna sii daba qaatay ayaa sheegay in dhul aan la raraynin muhiim tahayna in dadkaasi la diiwaangaliyo dhamaana yihiin maamulka Hargeysa ,diidmada in deegaankaasi la diiwaangaliyana ay ka dhigan tahay in doorashada Muuse Biixi iyo Saylici  laga soo horjeedo.

Wasiirada ayaa cadeeyay in xildhibaanada golayaashu diideen kulan ay Siilaanyo la qaateen in diiwaangalin ka dhacdo deegaankaasi markale,balse iyagu ogolaadeen.

Odayaasha ayaa iyagoo isku mawqif ah waxa ay si cad ugu celiyeen wasiirada Siilaanyo inay marnaba aqbalaynin in deegaankaasi diiwaangalin laga bilaabo,isla markaana hore shacabkaasi loo diiwaangaliyay,go,aankooguna yahay mid cad oo dagaal ah haddii go,aankooga la diido waxa deegaankaasi ka dhacana masuuliyadeeda Siilaanyo qaadi doono.

Shirkaasi markii uu fashilmay ayaa mid ka mida odayaashu si hoose ugu sheegay Boramanews in raga Awdal ku matalaya maamulka Siilaanyo yihiin kuwo ka fikiraya kursiga ay ku fadhiyaan isla markaana caruurtooda mooyaane cidkale dan ka lahayn,wuxuuna sheegay in ay madaxa ka luleen sida ay ugu soo orod badan yihiin in dhulkooga ka dilaalaan.

Aqoonyahan Xasan loolan oo ka mida dhalinyarada ka baxday Jaamacadaha oo la hadlay Boramanews ayaa isagoo madaxa haysta yidhi

Faras qaayihiisii  qiimuhuu lahaan jiray qurux buu ku doorsaday,Aqoonyahankii iyo masuuliyiintii Hargeysa noo joogtay, halkii saamiga naga maqan u raadin lahaayeen ayay ku dambeeyeen inay dhulkoogii dilaalaan

Source Boramanews.