Fannaanada Caanka Ah Ee Qamar Cabdillaahi Harawo Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaalla Dalka Turkiga Iyo Farriin Ay Soo Dirtey Ummadda Soomaaliyeed (Video)

Fannaanada Caanka Ah Ee Qamar Cabdillaahi Harawo Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaalla Dalka Turkiga Iyo Farriin Ay Soo Dirtey Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa si rasmiya xorriyaddeedii u heshey fannaanadii caanka ahayd ee Qamar Cabdillaahi Harawo,oo muddo sannada ah ku xidhneyd xabsi ku yaalla dalka Turkiga, ayaa waxaa ugu dambeen lagu guuleystay in laga sii daayo xabsiga.

Qamar Cabdillaahi Barkhadle (Harawo) oo ka tirsaneyd Fannaaniintii Hobolada Qaranka Waaberi, ayaa waxay Arbacadii dib u heshay xoriyadeeda, iyadoona la dejiyay hotel ku yaala Magaalada Istanbul.

Fannaanada, ayaa sanadkii 2012-kii lagu xidhey xabsi ku yaala Magaalada Istanbul, ka dib markii la sheegay in lagu qabtay qaad. Qaadka ayaa mamnuuc ka ah dalkaasi. Hase ahaatee waxay Fannaanadu beenisay inaanay shaqaba ku lahayn qaadkii lagu qabtay.

Maxkamadda Magaalada Istanbul, ayaa bishii December ee sanadkii 2012-ka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, waxayna tan iyo xilligaa ay xaalad adag ku wajaheysay xabsiga.

Dhanka kale Qamar Harawo oo farriin maqal iyo muuqaalba leh ka soo dirtay hotelka ay ka degan tahay Magaalada Istanbul, ayaa naqdisay hadal ku soo gaadjay mudadii ay xabsiga ku jirtay, oo ahaa inay ku geeriyootay xabsiga iyo in ay ku dhex waalatay.

Iyadoo u jawaabeysay dadkaasi, ayay sheegtay in ay weli nooshahay, geeriduna ay tahay mid ku jirta gacanta Alle (S.W.T). Waxay ka dhawaajisay in ay gasho xabsiga Turkiga inuu ahaa Raxmad Alle xagiisa kaga timid.

Qamar Harawo, ayaa dhambaal salaan ah hawada u soo marisay umadda Somaliyeed, dal iyo dibadba, iyadoo dhinaca kalana u mahadcelisay intii ka qayb qaadatay sidii ay dib xoriyadeeda ugu heli laheyd