Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Hirshabeelle & Khudbada Musharixiinta

Qudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa saaka si rasmi ah ugaga bilaabanaysa Xarunta Baarlamaanka magaalada Jowhar iyadoo gelinkii dambe ee shalay la siiyay siddeed musharax shahaadooyinka musharaxnimo.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gelinkii dambe ee shalay xarunta guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu guddoonsiiyay musharaxiinta shahaadooyin musharaxnimo kadib markii ay soo dhameystireen dhammaan shuruudaha musharraxnimo.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan hoolka baarlamaanka iyadoo qudbada ugu horeyso uu jeedin doono Musharax Cabdi Faarax Laqanyo Musharaxiinta u tartamaysa doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa ay kala yihiin;

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

Cabdikariin Cali Nuur.

Daahir Cabdulle

Maxamed Cabdi Waare.

Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).

Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

Maxamed Caruush Diirow iyo

Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Musharax Cabdi Faarax Laqanyo oo kamid ah musharaxiinta ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle,waxana uu ku ammaanay Guddiga dadaalka ay sameeyeen mudada gaaban ee loo diyaargaroobayay doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Udiyaar garowga doorashooyinka ayaa ku socdo si lixaad leh ayada oo laga dareemayo guuxa siyaasadeed iyo ololaha kama dambeynta ah ee doorashada magaalada Jowhar. Inta badan musharraxiinta xilka madaxweynenimo ayaa ku sugan magaalada Jowhar. Illaa siddeed musharrax ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb qaadan doonan doorashada oo dhici doonta 16ka bishan September oo ku aadan Sabtida soo socota.

Guud ahaan abaabulka ololaha ay wadaan musharraxiinta ayaa lixaadsaday maalmihii tagay kadib marka ay musharraxiintu soo bandhigeen farsamo-ololeed cusub oo ay ka mid tahay xayeysiin dibadeedka, isticmaalka warbaahinta iyo shirarka oo ay sare ugu qaadayaan xiriirka shacabka iyo xubnaha golaha sharci dejinta.

Doorashadan ayaa imanaysaa kadib markii horaantii bishii la soo dhaafay ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble.