Aung San Suu Kyi oo ka baaqanaysa shirka Qaramada Midoobay kadib dhaleecayn caaliya oo loo soo jeediyey

Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa ka baaqanaysa shirka Gollaha loo dhanyahay ee Qarammada Midoobay ee toddobaadka soo socda dhacaya, iyada oo ay sare u sii kacayso dhaleecaynta loogu jeedinayo sida ay u maaraysay dhibaatada Rohingya.

Dad lagu qiyaasay 370,000 oo ruux oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya ayaa u tallaabay xadka dalka Bangladesh tan iyo markii ay bishii hore sare u sii kaceen rabshadaha ka jira gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Suu Kyi ayaa wajahaysa eedaymo kaga yimid taageereyaasheeda reer Galbeedka, kuwaas oo salka ku haya in aysan wayn ooga hadlin rabshadaha.

Milatariga Myanmar ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan malayshiyo qawmiyadda Rohingya ah, wuxuuna diiday in uu bartilmaameedsanayo shacabka.

 

Zaw Htay oo ah Afhayeenka dawladda ayaa sheegay in Suu Kyi, aysan ka qaybgali doonin shirka Gollaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay oo ay khudbad ka jeedisay sannadkii hore, balse wax faahfaahin ah kuma uusan darin.