Wararkii ugu danbeeyay shirka Amniga Qaranka ee ka socda Baydhabo

Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirkii Amniga Qaranka oo maalintii shalay uu daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ajandayaasha kulanka ayaa waxaa mid ah Amniga guud ahaan dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Dhinaca kale ilaa xalay waxaa magaalada Baydhabo ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu lahaa madaxda dowlad gobolleedyada dalka, gaar ahaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ka wada hadleen khilaafka hareeyay maamulka.

Kulanka ayaa lagu wadaa in la soo afjaro galinka danbe ee maanta in lagusoo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin madaxda ka qeyb gashay.