
Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Nabadsugida.
Dhaawaca Wariye Afrika ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga, waxaana la sheegayaa in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana ka dhaawacmay lugta midig.
Wararka ayaa intaa ku daraya in C/casiis Afrika uu ku dhaawacmay agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo iska hor imaad uu ku dhex maray Ciidamo Boolis iyo Milateri.
Xiisada u dhaxeysa Milateriga iyo Booliska ayaa caawa laga dareemayaa degmada Boondheere, iyadoo saameyn ay ku yeelatay degmooyinka kale.
Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii ciidamo Milateri oo ka yimid Jowhar ay isku dayeen inay xoog ku gudbaan Wadada oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo ku guda jiray sugida amniga shir madaxeedka IGAD oo ka dhacay Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay galbinayeen Qaad laga keenay magaalada Jowhar, iyadoo uu soo kala dhex galay muran ku aadan marista wadada oo xilligaas xirneyd.
Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay iska rasaaseynta, halka tiro intaa kalena ay ku dhaawacmeen, is rasaaseynta oo aheyd mid culus.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa ku howlan, sidii xiisada ka dhex taagan labada ciidan loo qaboojin lahaa, waxaana socda dadaalo, inkastoo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan meelihii iska hor imaadka ka dhacay ee nawaaxiga Daljirka Dahsoon.