Warqad qarsoodi ah oo maamulka Khaatumo u direy Siilaanyo & Nuxurkeeda.

Shabakada Horufadhi ayaa ogaatay waraaq diblumaasiyadeed oo maamulka Khaatumo u direy maamulka Somaliland ee Hargaysa, warqadan ayaa laga direy xafiiska Madaxweynaha Khaatumo Dr Ali Khaliif Galaydh, waxana ku qornaa luqad adag oo ku saabsan in mamulka Khaatumo gebi ahaanba ka baxayo wada hadalada socda waa hadii baa lagu yidhi waraaqda ay sii wadaan qabashada iyo qaban qaabada shir Burco lagu wado inuu ka qabsoomo bishan 25keedii oo Siilaanyo kaga dhawaaqay deegaanka Adhicadeeye ee duleedka Laacaanood.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale shardi ku xidhay wada hadalada imaanaya in dawlad kastoo martigelinaysaa ay si toos ah casuumaada ugu soo dirto maamulka Khaatumo oo magacooda lagu soo xuso” Khaatumo State Of Somalia”, warqada waxa sidoo kale ku yaala in maamulka Khaatumo uusan aqoonsanayn haba yaraatee hadii Odayasha dhaqanka ama Cuqaasha qaarkood shirar Doceedo la galaan maamulkaas, ayna la mid tahay dhacdooyinkii iyo dhaqankii 25ka sano maamulkaasi ku falgalayey ee ahaa inay kolba Jiffo ama odey dhaqameed u gacan haadiyaan.

Warqadan waxa saxiixay madaxweynaha iyo wasiirka Debeda ee Khaatumo Mr Shabac, waxaana ku qornaa erayo adag, adag, ayadoo la diray bilowgii October, shabakada Horufadhi ma helin jawaabta warqadaas ee dhanka maamulka Somaliland, balse waxa ilo lagu kalsoon yahay sheegeen in maamulka Siilaanyo joojiyey shirkii Burco iyo wada hadalo jifiyeed ay soo diyaarsadeen xubno kale oo deegaanka Dhulbahante ka soojeeda oo Hargaysa fadhiya.