Xeer-ilaaliye xigeenkii Maxkamadda Ciidanka Somalia oo u dhintay dhaawac loo geystay bishii hore

Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Col. C/llaahi Xuseen Maxamed ayaa u geeriyooday maanta dhaawac dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay Muqdisho ugu geysteen dabley ku weeraray gaarigiisa xilli uu marayay meel ku dhaw xarunta madaxtooyada Somalia.

Weerarka lagu dhaawacay xeer-ilaaliye ku xigeenka maanta geeriyooda ayaa dhacay 26-kii September, 2016-ka. Iyadoo Tan iyo markii uu dhaawacmay lagu Daweynayay Muqdisho, wuxuuna eeriyooday duhurnimadi maanta oo Jimco ah.

Sidoo kale, Darawalkii Xeer-ilaayaha geeriyooday ayaa ku dhintay weerarkii ay kooxaha hubeysan ku qaadeen gaarigiisa, iyadoo aanay jirin illaa haddda cid loo qabtay weerarkan. Iyadoo aysan jirin wax natiiijo ah oo kasoo baxay baaritaanno ay saraakiisha maxkamadda ciidamada ka tirsan sheegeen inay weerarka sida uu u dhacay ku sameynayaan.

Xeer-ilaaliye ku xigeenkan maanta ku geeriyooday Muqdisho, ayaa Noqonaya Mas’uulkii ugu sarreeyay oo ka tirsan Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka Sida ee Somalia oo lagu dilo caasimadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa horay xukunno dilal iyo xabsiyo isugu jiray ugu ridday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo kuwo kale oo Iyana ka tirsan ciidamada Dowladda federaalka Somalia, xukunnadaas oo qaarkood la fuliyay.