Warshad kiimiko oo laga baqayo inay ku qaraxdo Houston

Warshad sameyso kiimikada oo ku taalla magaalada ay fatahaadu ka dhacday ee Houston ayaa la filayaa in ay qaraxdo ama dab uu qabsado maalmaha soo socda gudahood.

Xilligii uu da’ayay roobka mahiigaanka ah ee Harvey, warshadda kiimikada Arkema waxaa ka demay qaboojiyayaasha hayay kiimikada oo u baahan in ay qabow ahaato xilli kastaa.

Hadda ma jirto si looga baaqsankaro in ay qaraxdo ama dab uu qabsado, sida ay sheegtay shirkadda.

Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhimatay duufaanta iyo roobabkii ka da’ayay magaalada Houston ee gobolka Taxes.

Laanta korontada Mareykanka ayaa sidoo kale dhaawac uu gaaray, shirkadaha shidaalkana waxay xireen dhuumaha.

 

Laanta saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa hoos u dhigtay saameynta ay dabeyshu yeelankarto taa oo markii dambe isu badashay xaalad xun.

Waxaa la filayay in roob culus uu ka da’o bariga gobolka Taxes iyo Galbeedka gobolka Louisiana.

Maxaa ku dhacay warshadda kiimikada?

Shirkadda Arkema ayaa shaqada joojisay Jimcihii, ka hor inta aysan duufaantu billaaban.

Laakiin biyaha faraha badan ee ku fatahay nawaaxiga warshadda ayaa jaray korontada, sida lagu qoray war ka soo baxay Shirkadda. Sidoo kale kaabayaasha korontada iyo matoorada loogu talagalay in la adeegsado marka korontada guud maqan tahay ayay biyo galeen.

 

Shirkadda waxay sameysaa walxo ka kooban kiimikada peroxides, waxaana ay noqon karaan halis haddii ay kululaadaan.

Agaasimaha guud ee Shirkadda Richard Rowe ayaa Reuters u sheegay “dabka wuxuu noqon doonaa holac aad u weyn”.

wuxuu sheegay in qiiqa madow ee ka soo baxa uu sababayo in jirka iyo indhaha cuncunaan, wuxuuna dhib u geysan karaa sambabada.

“Biyaha heerkoodu sareeyo ee meesha yaalla, iyo koronto la’aanta ayaa naga dhigayo in aynaan haysan fursad aan dhibka uga hortagno, ayuu yiri madaxa shirkadda.