Wasiir Sabriye Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Odayaasha Galmudug

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaardda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu kulan deg deg ah isugu yeeray Odayaasha  Dhaqanka ee kasoo jueeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna lagala hadlo  Xildhibaanada Ahlusunna soo xulatey iyo sidii Odayaasha looga heli lahaa aqbalaad.

Qaar kamid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa kasoo horjeestay 20 Xildhibaan ee Ahlusunna la siiyey sida ay beelaha ugu qeybiyeen taas oo curyaamisey dhismaha Maamulka Galmudug.

30-ka Bishii la soo dhaafay ee December Sanadkii 2019 ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,balse aan weli la xulin,waxaana taasi ay dib u dhigeysaa xilliga ay dhici lahaayeen doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynaha & kuxigeenkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ,isaga oo kulamo kala duwan la qaatay hoggaanka Sare ee Ahlusunna,isla markaana uu kala hadlay dhismaha Galmudug.