Wasiirka Ganacsiga oo mamnuucay in dalka la keeno Baaruuda qaraxyada u eeg ee carruurta ku ciyaaraan

War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la mamnuucay soo dajinta agabka Baaruuda ee carruurta isticmaalaan.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa mamnuucday in la soo dajiyo agabka carruurta ku ciyaaraan ee qoryaha u qaab eeg.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warqadan ku saxiixnaa, ayaa sheegay in dhamaan Hay’addaha ay ku socoto arrintaan laga doonaayo in la dhaqangeliyo.

Ganacsatada soo dajisa qalabka baaruuda iyo qoryaha u qaab eeg ee Carruurta ku ciyaaraan, ayaa wuxuu sheegay in laga doonaayo dalka inaysan dib u dambe u keenin qalabka noocaasi oo kale ah.