Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka soo horjeestay Doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa (Video)

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Waqooyiga Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa.

Masuuliyiintan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayey shaaca uga qaadeen in xaquuqdooda la duudsiiyay laguna sameeyay sad bursi, waxa ayna cadeeyeen hadii ay yihiin Siyaasiyiinta kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya aysan qeb ka noqoneyn doorashada dalka ka dhaceysa.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ee qabtay Shirka Jaraa’id ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maarye, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Gudoomiyihii hore Maxkamada sare Abuu kaate Ceydiid Ilko Xanaf.

Waxa ay sheegeen masuuliyiintan kasoo jeeda Deegaanada Waqooyiga Soomaaliya in saamigii ay lahaayeen la duudsiiyay lanasiiyay wax aysan xaq u laheyn, waxa ayna ku celiyeen in ay qaadacayaan doorashada dalka ka dhaceysa hadii aan xaqooqad loosoo celin.

Mauuliyiintan ayaa tilmaamay in Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhagaha ka fureesteen codsiyo ay u gudbiyeen oo ku aadan in xaquuqdooda la siiyo, waxa ayna xuseen in ay go’aan ku gaareen in aysan ka qeyb galin doorashada.

Shirkii Madasha Wadatahiga Qaran ee dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa xubno aqalka sare ee dalka ku lahaayeen Waqooyiga Soomaaliya laga jaray , waxaana xubnhaasai loogu kordhiyay Maamulka Puntland