Hillary Clinton oo magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ku soo bandhigtay siyaasadeeda dhaqaale ee ay dooneyso inay ku dhaqanto haddii loo doorto xilka madaxtinnimada (Dhegeyso)

Musharaxa Madaxtinnimo ee xisbiga Dimuqraaddiga Hillary Clinton, ayaa magaalada Cleveland ee gobolka Ohio Arbacadii shalay ka jeedisay qudbad ay kaga hadleysay siyaasaddeeda dhaqalaha ee ay dooneyso inay ku dhaqanto haddii loo doorto xilka madaxtinnimada.

Haddaba, Jaamac Buulle Jaamac, ayaa arrimahaasi ka wareystay Xuseen Cabdikariin Axmed (Gedhish) oo ah dhaqaal yahan deggan gobolka North Carolina ee dalkan Mareykanka.