Weerar Ismiidaamina oo ka dhacay Hotel Dayax ee magaada Muqdisho- VIDEO

Dhismaha Hotelka iyo dhismayaal kale oo ku yaala agagaarka hotel Dayax ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan oo ka dhashay qaraxa koowaad.

Markii dableyda gudaha ay u galeen dhismaha hotelka ayaa waxaa xigay qarax kale oo ka dhacay goobta, kaasi oo loo malaynayo inuu ku xirnaa gaari NOAH ah oo dableyda ay ka dageen.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay qaraxa, waxaana badan dadka dhaawacyada ay soo gaareen, maadaama dhismaha hotelka uu ku yaala wadada Maka Al Mukarama oo aad u mashquul badan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee dowladda.

Hoos ka daawo sawirada qaraxa.

 

Dayax-1 Dayax-2 Dayax-3 Dayax-4 Dayax-5 Dayax-6