C/raxmaan Faroole: Maamulka Hargeysa waxa uu kamid yahay Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ku sugan magaalada Muqdisho kana mid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimo ee Somalia ayaa sheegay in maamulka Hargeysa uu wali yahay xubin ka tirsan maamulada kale ee dalka ka jira.

Faroole ayaa gabi-ahaan-ba meesha ka saaray arimaha ku aadan in Hargeysa  ay ka go’i garto Somaliya inteeda kale waxyar ka dib markii ay dhacday doorashadii aqalka sare oo shalay lagu gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

“Doorashada aqalka sare ee halkan ka dhacday waxa ay ka dhigan-tahay in la helay aqalkii dalka isku keeni lahaa isla markaana umadda  midayn lahaa ,mana lagu xirayo aragtiyada gaaban ee doorashadan laga eegayo “ ayuu yiri C/rixmaan  Faroole.

“Xildhibaankii koowaad oo loo doortay gudoomiyaha aqalka sare waxa uu ka soo jeedaa Hargeysa ,taa macnaheedu waxaa weeye in Somaliland ay Somalia kamid tahay “ ayuu mar kale yiri Faroole oo hambalyo u diray madaxda cusub ee loo doortay aqalka sare.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo hadda ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmayay xubno ka tirsan xildhibaanada aqalka hoose ee la doortay si uu kalsooni uga helo marka la gaaro doorashada madaxweynaha ee la filayo in ay ka dhacdo Muqdisho.

Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shalay ku guulaystay doorashada aqalka sare ,isaga oo helay 43 kamid ah codadkii xildhibaanadii doorashada joogay oo gaarayay 52 mudane, iyada oo gudoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay Abshir Maxamed oo ku magac dheer Bukhaari.

Ugu danbayn, Siyaasiyiin badan oo ka jeeda Hargeysa ayaa ka tirsan labada aqal ee Somalia ,waxaana la aaminsan-yahay in mas’uulkii ay codka ugu shubaan ay suurtagal-tahay in uu ku soo baxo doorashada Soomaliya oo marar kala duwan dib u dhacday.