Weerarkii Hoteel Naasa Hablood oo la soo afjaray

Weerarkii Hoteel Naasa Hablood oo la soo afjaray

qaraxLahaanshaha sawirkaEPA

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa aroornimadii maanta soo afjaray weerarkii hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo dabley hubeysan ay shalay gudaha u galeen.

Weerarkaa ayaa ku billowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hoteelka oo ku yaal inta u dhaxaysa Ex-Baarlamaan iyo Tiyaatarka, ka hor inta hoteelka aysan gudaha u gelin koox hubaysan.

Daqiiqado kaddib qarax kale ayaa dhacay dibadda hoteelka, kaa oo xaaladda uga sii daray.

Hoteelka ayaa ilaa saaka laga maqlayay dhawaqa rasaasta, ka hor inta ciidamada ammaanku aysan soo afjarin weerarkaasi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay ka badan tahay 20 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 30 qof.

Inta la xaqiijiyay dadka dhintay waxaa ku jira mas’uul ka tirsan guddiga taakuleynta ciidamada isla markaana ahaan jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wasiir ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

qaraxLahaanshaha sawirkaEPA

Ciidamada ayaa soo badbaadiyay siyaasiin caan ah, suxufiyeen iyo dad rayid ah oo deganaa hoteelka la weeraray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka tacsiyeeyay dadkii weerarkaasi lagu dilay, waxa uuna sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan marnaba niyad jebin doonin dowladdiisa.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkani, waxa ayna sheegtay in bartilmaameedkoodu ahaa hoteelka Naasa Hablood 2 oo ay sheegeen in ay deganaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya labo usbuuc kaddib qaraxii waynaa ee 14-ka bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee isla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof.

qaraxLahaanshaha sawirkaGURMAD 252