
Xildhibaan Max’ed Xuseen Isaaq Afaraaleoo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro ka tirsan Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa gaaray magalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Masuuliyiintaasi oo u jeeddada safarkoodu ahaa si ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda dhabta ah e ka jirta magaaladaasi iyo hareeraheeda, maadaamo la sheegay inay dhawaan ka baxeen Ciidamada AMISOM qeybo ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana loo gayn lahaa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed meelihii ay ka baxeen ciidamada Amisom, si ay mar kale gacanta ugu gelin Maleeshiyada Al-Shabaab.Mas’uuliyiinta ayaa goobta sidoo kale gaarsiiyay raashin si loogu qaybiyo bulshada deegaannadasi ku nool iyo dadkii dhawaan ka soo barakacay dagmada Tayakloow ee isla gobolkaasi.
Xildhibaan Afaraale iyo Masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa waxay u kuurgaleen xaaladda Nololeed ee dadwaynaha ku dhaqan xuddur, waxayna u sheegeen in dhawaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dib ugu laaban doonaan dagmada Tayagloow, si shacbiga looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan kooxaha Nabad diidka oo dhawaan shan qof oo isugu jira ganacsato iyo dad rayid ah ku dilay dagmada Tayegloow.