Xisbiyo laga diiwaan galiyey Muqdisho

Xisbiyo laga diiwaan galiyey Muqdisho

Ilaa 8 xisbi ayaa la diiwaan galiyeyLahaanshaha sawirkaSONNA

Magaalada Muqdisho, siddeed xisbi-siyaasadeed ayaa si ku-meel-gaar ah loo diiwaangaliyay sida uu sheegay gudgiga doorashooyinka qaranka, ka dib xaflad lagu qabtay hotelka SYL.

Shuruudaha hadda ku xiran in xisbi si ku-meel-gaar ah loo diiwaangaliyo waxaa ka mid ah:

-In la soo qorto codsi shaabbadda xisbiga ay ku dheggan tahay, isla markaana la raaciyo nuqul ka mid ah kulankii ugu horeeyay ee xisbiga.

-In la soo raaciyo xeerka xisbiga iyo habka ay ku xalinayaan haddii dhexdooda uu khilaaf ka yimaado.

-Bixinta lacagta diiwaangalinta oo ah $500.

Qaarka mid ah madaxda xisbiyada iyo xildhibaannoLahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionQaarka mid ah madaxda xisbiyada iyo xildhibaanno

Hayeeshee Xisbiyada marka sida rasmiga ah loo diiwangalinayo waxa laga rabaa in mid kasta uu la yimaado toban kun oo cod bixiye oo xisbigiisa u diiwan gashan oo gobollo kala duwanna ka soo jeeda, iyo inuu bixiyo lacagta diiwaan galinta oo ah kun Doolar, iyo in ugu yaraantii sagaal gobol uu xarumo ku leeyahay, taageerayaalna u joogaan.

Munaasabaddii maanta sida ku-meel-gaarka ah loogu diiwaan galiyay xisbiyada siddeeda ah waxa ka qayb galay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed.