Xulafada Sacuudiga oo soo dhoweeyey Cali Cabdalla Saalax oo dagaal kula jira Xuutiyiinta

Xulafada Sacuudiga oo soo dhoweeyey Cali Cabdalla Saalax oo dagaal kula jira Xuutiyiinta

Sawir aan si wanaagsan u muuqan Xuutiyiinta oo rasaas ka gabbanayaLahaanshaha sawirkaSTRINGRER

Xulafada uu Sacuudigu hor kacayo ayaa soo dhoweeyey hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo xoogagiisu ay dagaal kula jiraan Xuutiyiinta, kaasoo wadahadal ku yaboohay.

Hadal ay xulafadu soo saartay ayaa lagu sheegay in go’aankaas “uu yahay mid hogaanka qabanaya, lana safanaya rabitaanka dadka, Yemenna ka xoraynaya miliishiyada daacadda u ah Iiraan”.

Mr Saalax wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in “bog cusub la furo” haddii isbahaysigu uu qaado xannibadda, uuna joojiyo weerarrada.

Laakin Xuutiyiinta, oo ay jaal ahaayeen ilaa todobaadkii hore, waxay ku eedeeyeen khiyaano qaran.

Hogaamiyaha kooxda, Cabdulmaalik al Xuuti wuxuu Mr Saalax ku eedeeyey inuu jaal la ahaa Sacuudiga, arrintaasoo “uu ka shakisanaa balse iminka cadaatay”.

Cali Cabdalla Saalax iyo Xuutiyiinta oo dagaallamaya

Dirirta u dhaxaysa xoogagga Mr Saalax iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ayaa maalmo ka socotay magaalada caasimadda ah ee Sanca. Kooxaha gargaarka waxay sheegeen in tiro dad ah lagu dilay boqolaal kalena lagu dhaawacay.

Xuutiyiinta waxaa taageerta Iiraan, waxayna jaal la ahaayeen xoogagga Mr Saalax oo ay ka wada hor jeedeen xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabbuh Mansuur Haadi tan iyo 2014.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha iyo dalalka deriska ah iyo isbahaysiga inay joojiyaan weerarka, oo ay qaadaan hareereynta, ayna furaan garoomada dayaaradaha oo ay ogolaadaan in dadka la gaarsiiyo raashinka gargaarka iyo in la badbaadiyo kuwa dhaawacyada qaba, innaguna waxaan furi doonnaa bog cusub oo ku dhisan deris wanaag” ayuu ku yiri Mr Saalax Khudbad uu TV ka sii daayey.

Wuxuu intaa ku daray “si wanaagsan ayaan u tacaamuli doonnaa, waxa Yemen ku dhacaynna waa wax ku filan”.

Qiiq ka baxaya duleedka SancaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Madaxweyne Haadi ayaa isna soo dhoweeyey hadalkaas, wuxuuna sheegay in uu Mr Saalax kala shaqayn doono sidii Xuutiyiinta looga hortegi lahaa.

Wuxuu codsaday in ‘dhinacyada siyaasadda oo dhan ay bog cusub furaan, lana sameeyo isbahaysi qaran oo sal ballaaran, kaasoo seeska u dhiga waayo cusub, dadka oo dhamina ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa miliishiyada inqilaabka samaysay’.

Xuutiyiintu way ku gacan sayreen hadalka Mr Saalax. Afhayeen u hadlay ayaa yiri ‘khudbadda Saalax waa afgambi ka dhan ah isbahaysigii aan wada ahayn, waana mid dibadda soo dhigaysa khiyaanada ay wadaan kuwa sheegaya inay duullaanka ka soo hor jeedaan’.

Dagaalkan ugu dambeeyey ayaa qarxay Arbacadii, markii taageerayaasha Mr Saalax ay ku eedeeyeen fallaagada Xuutiyiinta inay jabiyeen dhismaha masjidka magaalada ugu weyn