XOG: Diplomaasiyiinta Ajnabiga ah ee Jooga Hargeysa oo Ka Baxay+Qilaaf soo kala Dhaxgalay Hargeysa iyo Beesha Caalamka

Labo Diplomaasi oo ka kala socday dalalka Britain iyo Denmark ayaa waxay hadalkaasi sheegeen, kadib, markii ay Khamiisti ila soo dhaafay magaalladda Hargeysa kula kulmeen Hoggaamiyayaal ka kala socda Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xisbiga haya Talada Maamulkaasi.

Diplomaasiyiinta waxay carrabka ku dhufteen inuu xumaan doono Xiriirka Beesha Caalamka iyo Maamulka Hargeysa haddii dib loo dhigo Doorashadda Madaxtinimadda ee lashaaciyey in la qaban doono bisha March 28-da ee sannadkan.

Labada Diplomaasi waxay soo bandhigeen Qorshe kale oo lagu kaalmeynayo Qoysaska ay Abaaruhu haystaan, waxayna ballan qaadeen 10 million oo Dollar oo Gargaar Degdeg ah o oka imaanayso Beesha Caalamka, si wax looga qabto dhibaatadda Abaaruhu ku hayso waqooyiga Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka Aadminimo (OCHA) ayaa sheegtay in Abaaraha haatan taagan ay dhibaateysay in ka badan 240,000 o o qof oo ku nool Somaliland, iyadoo Goballadda ugu badan ee ay saameeyeen Abaaraha ku jitaan Goballadda Awdal, Maroodi-jeex iyo Gabiley oo