Xoghayaha ganacsiga caalamiga ee UK, Liam Fox: ‘Ka bixida Midowga Yurub ee UK waa fursad dahab ah’

UK waxay noqon doontaa mid calanka u sidi doonta ganacsiga xorta ah markii ay ka baxdo Midowga Yurub, ayuu sheegay xoghayaha ganacsiga caalamiga ee UK, Liam Fox.

Liam Fox, ayaa sheegay in ka bixitaaanka Midowga Yurub ay tahay fursad dahab ah, iyo inay tahay qalad in la dhaho ka bixitaanka Yurub waa astaan Britain inay gudaheeda oo kaliya ay fiirinayso.

UK ayaan samayn karin heshiisyo ganacsi si gooni ah iyadoo ka mid ah Midowga Yurub.

Mr Fox ayaa la samayn doona heshiisyo cusub oo ganacsi waddamada kale, markii UK ay ka baxdo Midowga Yurub waxayna yeelatay wadahadal.

Hadal uu ka jeediyay Manchester, ayuu ku sheegay “in ganacsiga xorta uu adduunka u keenay wax fiican, ayna UK leedahay fursad dahab ah oo ay heshiis cusub adduunka la samaysato.”

Wuxuu saadaaliyay UK inay calanka u sidi doonto ganacsiga xorta ah markii ay ka baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu difaacay hadalkiisii ugu danbeeyay ee ahaa in dadka Britishka ay yihiin caajis. “Wuxuu sheegay inuu ka waday, waddan ahaan inaan doonaynay inaan ku tiirsanaano waxii ay qabteen dadkii naga horeeyay.”

Warshada Ford Dagenham