US: Shil ka dhacay saldhig tareen ee Hoboken ee New Jersey ayaa dilay saddex

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen in kabadan boqolna ay dhaawacmeen kadib markii tareen uu ku dhacay darbi saldhig tareen ee Hoboken ee New Jersey.

Radio magaalada ayaa sheegay in tareenka uu ku dhacay meesha tiketka laga goosto ee saldhiga tareenka ee Hoboken.

Rakaab badan ayaa isticmaala tareenka oo u socda Manhattan.

Afhayeenka New Jersey Transit, Jennifer Nelson, ayaa wariyayaasha u sheegtay in 20 baabuurta caafimaadka ay dadka dhaawaca isbitaalka u qaaday.

Ben Fairclough, oo ahaa goobjooge ayaa BBC u sheegay in tareeenka uu u ekaa inuu jidka ka baxay.

Saqafka saldhiga tareenka ayaa soo dumay
Rakaabka saarnaa tareenka oo qaar badbaaday
Shaqaalaha gargaarka oo daawaynaya dhaawaca
New Jersey Map