Xoor dalka Maraykanka ka sameeyay wax aanan laga filan karin!

Xoor ma naxaan ah oo ku nool magaalada St Paul, Minnesota ayaa dadkii ka yaabsaday markii uu fantay daar 23 dabaq dhan, illaa uu dhakada ugu tagay.

Dad badan ayaa isugu soo xoomay qeybta hoose ee daarta si ay u daawdaan waxa uu samaynayo xoorka, iyada oo sheekadan lagala socday Twitter-ka.

Dhakada sare ayaa loo dhigay cuntada mululaasha si loogu dabo, iyada oo shaqaalihii gurmadka ay kari waayeen in ay kasoo dajiyaan meesha.

Evan Frost iyo Tim Nelson, oo ah wariyeyaal ka tirsan raadiyaha MPR ayaa maalintii oo dhan duubayay waxa dhacaya.


“Lammaane dhismaha degan ayaa isku dayay in ay badbaadiyaan, balse waa lagu guuldaraystay” ayuu yiri Evan.

Maalintii oo dhan ayuu kor iyo hoos u fuulayay dhismaha, isaga oo mararka qaar ku nasanayay meelaha qawga ah.

Xoor ayaa aad ugu badan Maraykanka, gaar ahaan Minnesota.

James Gunn oo ah atoore ka tirsan Bollywood-ka ayaa ku yaboohay lacag $1000 ah haddii cid ay badbaadiso xoorka. Filim uu jilay ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay oo wax ka jillay xoor.

Waxaa la sameeyay ciwaan twitter ah oo xoorkan loogu magacdaray, kaas oo markiiba ay ku darsadeen illaa 2500 qof.