Yuusuf Jimcaale “Gobolka Banaadir waa ku dulman yahay matalaada aqalka sare

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin in Gobolka Banaadir uu helo mataaladii uu ku lahaa Aqalka sare.

Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay inay wali ka war-sugayaan Madaxda Madasha ay qaataan go’aan, isla markaana aanay habooneyn in laga tago Gobolka Banaadir.

“Mataalada Gobolka Banaadir ee aqalka sare xaq ayay ku leeyihiin, waxaan ka cabaneynaa Madaxda madasha inta badan, hadaan nahay Gobolka Banaadir waa ku dulmanahay in aan wax matalaad ah aan wali helin.

Guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in Gobolka Banaadir uu matalaad dhab ah ku yeesho Aqalka sare.

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa shirkooda ugu dambeeyay ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka wada hadlayaan hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo arrinta ku saabsan Aqalka sare.

Madasha ayaa ka doodaya arrinta la xiriirta Aqalka sare oo go’aanadii shirkii hore laga soo saaray ay dhaliyeen buuq badan iyo in Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay ka soo hor-jeesteen in xubno dheeraad ah loogu daray Aqalka sare maamulka Puntland.