Shir looga hadlaayey kahortagga argagaxisada oo Suudaan lagu qabtay

Shir laba maalomood socnaayey oo looga hadlayay istiraatiijiyada la dagaalanka fekerka argagaxisada ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada Suudaan ee khartuum.

Kulankaan  oo quseeyay dowladaha geeska iyo bariga Africa ayaa waxaaa ka soo qeyb galay xubno ka socday dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD iyo xubno ka socda midowga Yurub, Malaysia iyo India iyadoo ay Soomaaliya uga qeyb galeen xildhibaan Mustafe Sheekh Cali dhuxulow iyo Engineer C/raxmaan Cumar Cismaan.

Engineer C/raxmaan Cumar Cismaan  ayaa sheegay in kulankan uu ahaa gunaanadka kulamo ay horay ugu soo qabteen qaar ka mid ah dowladaha Africa sida dalalka  Itoobiya iyo Kenya.Sidoo kale, Engineer Yariisow ayaa sheegay in shirka lagu amaanay Soomaaliya sida ay horumar ugu sameysay la dagaalanka argagaxisada isla markaana qorshahan looga gol leeyahay uu yahay sidii loo heli lahaa hanaan mideysan oo lagula dagaalamayo fekerka dhibaatada ku haya guud ahaan caalamka gaar ahaan dalalka geeska Afrika.

12345