(10/08/2016) Maxaa ka jira in kaniisad raacsan mad’habta Katooliga laga furay magaalada Hargeysa.?!

Raadiyaha ku hadla codka Dowladda Vaticanka, oo ah maamulka sare ee Kaniisadda Katooliga, ayaa baahiyay wareysi ku saabsan saameynta kaniisadu ku leedahay Soomaaliya.

Wareysiga waxaa lagu sheegay in kaniisad raacsan Mad’habta Kaatooliga laga furay magaalada Hargeysa.

Sida raadiyuhu sheegay Waxaa ka soo qeyb galay furitaankeeda wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Jabuuti iyo dadka kale oo aaminsan diinta Kirishtanka iyo shaqaalaha hey’adda samafalka ah ee loo yaqaan (Caritas) oo ah hey’ad kaniisadda Katooliga hoos tagta, kana shaqeysa goobo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Mid ka mid ah kuwa fidiya diinta Kirishtanka oo Soomaaliya ku dhawaad 40 sanno ka shaqeynayay ayaa wuxuu ka hadlay kaniisadaan oo dib loo furay dhowr bilood ka hor balse hadda la shaaciyey.

Raadiyaha Vaticanka ayaa sheegay in Kaniisaddu Sooyaal iyo taariikh fog ay ku laheyd goobta hadda laga furay, illaa 1950-kii iney ka furneyd halkaas ayuu sheegay raadiyaha vatikanka oo soo xiganaya baaderi ka tirsan kaniisada katooliga oo wareysi dheer siiyey.

Sanadkii 1988-dii ayuu wadaadku sheegay inuu burbur ku yimid kaniisada isagoo xusay in sanadkii 1991-dii markii ay burburtay dowladii milateriga ay dad shacab ah dhismihii kaniisada iska dageen.

Balse raadiyaha Vaticanka ayaa sheegay in shaqaalaha ka shaqeeya heyadda samafalka ee la yiraahdo (Caritas) ay ku guuleysteen in laga saaro dadkii degenaa dhulka kaniisaddu leedahay, waxaana horay loo keydiyay qalabkii ey ku cibaadeysan jireen masiixiyiintu iyo aqallada loogu talagalay wadaadada tujiya Kaniisadda.

Wuxuu xusay wadaadku iney maamulka kala hadleen furitaanka kaniisadan yar. Wuxuu kaloo leeyahay waxaa jira dad badan oo aaminsan diinta kirishtanka kuna nool gayiga laga furay kaniisadda iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, mana ahan ayuu yiri sida mar walba loo sheego oo ah in Soomaalidu muslimiin wada yihiin.

Sidoo kale, Muqdisho ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in Al-shabaabku ku xoog badan yihiin, aysana suuragal aheyn iney dib u howlgeliyaan kaniisadii hore balse waxaa uu xusay inaysan ka maqneyn xitaa Muqdisho oo ay hawlo fara badan ka hayaan kuwaasoo iskugu jira koorsooyin, iyo farsamo gacmeedyo ay ka dhex wadaan caasimadda Muqdisho.

Wadaadka kirishtanka ah ee wareysiga bixiyey wuxuu sheegay inay ogalaansho ka heystaan (governo locale) ama dawladda maxalliga ah, isaga oo ula jeeda maamulka Somaliland.

Heyadda Caritas Italiana iyo qaar kale waxay ka mid yihiin hey’adaha waaweyn ee qaaradda Afrika ku dhex fidiya, diinta masiixiga, iyagoo adeegsada shaatiga samafalka iyo hawlaha bini’aadnimada, waxeyna ka ka hawlgalaan Soomaaliya guud ahaan.

Linkiga hoose kilik ku dheh si aad u akhrisato warka raadiyaha vaticanku ka qoray arrimahan:

http://it.radiovaticana.va/news/2016/08/06/somalia,_bertin_domani_riconsacrazione_chiesa_hargeisa/1249701