(10/08/2016) Shirkada Toshiba oo heshiis lagu soo saarayo tamarta Geothermal la saxiixatay Jabuuti

Shirkada Toshiba oo sidoo kale caan ku ah soo saarida tamarta Geothermal ayaa heshiis la sixiixatay dalka Jabuuti kaasoo lagu soo saarayo tamartaa. Shirkadaa iyo dawlada Jabuuti ayaa shalay kala saxiixday heshiiskaas oo lagu horumarinaayo tamarta noocaa ah gudaha Jabuuti.

Shirkadaa Toshiba ayaa fadhigeedu yahay dalka Japan. Waxaa heshiiska dawlada Jabuuti u saxiixay xafiiska Horumarina Tamarta Geothermalka ee Jabuuti ee marka magaciisa lasoo gaabsho loo yaqaano ODDEG. Toshiba ayaa kasokow hawlo kale mashruucaa u tababari doonto shaqaale si wanaagsan ugasoo bixi kara hawlaha mashruuca.

Xafiiska ODDEG ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2014 wuxuuna si toos ah uhoos tagaa xafiiska madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele