(11/08/2016) Koonfur Afrika ayaa noqotay waddanka ugu dhaqaalaha wayn Afrika ka dib Nigeria oo ahayd laba sano

Koonfur Afrika ayaa dib u noqotay waddanka ugu dhaqaalaha wayn Afrika sida ay sheegtay xogta IMF, ka dib markii Nigeria ay ahayd laba sano waddanka ugu dhaqaalaha wayn.

 Xisaabin lagu sameeyay qiimaha lacagta ayaa Koonfur Afrika ka dhigay meesha ugu saraysa, sababtoo ah lacagta Rad-ka ayaa adkaatay markii loo badalayo dollar.

Lacagta Nigeria ayaa hoos u dhacday tan iyo markii hoos loo dhigay qiimaheeda markii loo bedelayo Dollarka.

Markii la is barbardhigo tirada, ma jiraan farqi wayn oo u dhaxeeya. Dhaqaalaha Koonfur Afrika ayaa qiimahiisu yahay $301 bilyan halka Nigeria uu ka yahay $296 bilyan.

Dhaqaalaha Nigeria ayaa ku dhawaad ku wada tiirsan lacagta ay ka hesho shidaalka, qiimaha shidaalka markii uu hoos u dhacay waxaa yaraaday lacagtii soo galaysay waddanka. Laakiin dhaqaalaha Koonfur Afrika ayaa leh noocyo kala duwan.