(11/08/2016) Booliska Jarmalka Oo Qaaday Talaabooyin Cusub Oo Looga Hortagayo Argagixisada (Video)

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere, ayaa sheegay talaabooyin cusub oo looga hortagayo argagixisada ka dib weeraradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Jarmalka.

Qorshaha ayaa la filayaa inay ka mid noqoto sidii si dhaqso ah loogu masaafurin lahaa dadka danbiga gala, iyo sidii loo isticmaali lahaa kaamirooyin badan oo wax ilaaliya.

Waxaa sidoo kale jira baaqyo in la mamnuuco in qofka uu haysto laba dhalasho, iyo mamnuucida wajiga la dado.

Ku xigeenka madaxa sirdoonka ee ee gobolka Baveria, Manfred Hauser, ayaa BBC u sheegay in qatarta weerar inuu ka dhaco Jarmalka inay wayn tahay.

Wuxuu sheegay in sirdoonka uu baarayo, boqolaal warar oo sheegaya in kooxda IS ay u soo dirayso dad Jarmalka oo iska dhigaya qaxooti.