(11/08/2016) Kumaandoosta DF Somalia & Ciidanka Puntland oo Hawl-gallo ka wada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo Waxaa ka soconaya hawl-gallo ay wadaan ciidamada Danab ee Dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Puntland, kaasoo ay ku baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu sheegay Gaalkacyo. Waxaa la arkayaa ciidamada is-kaashanaya oo mar marka qaarkood hadba xaafad baaritaanno ku sameynaya, lana baxaya dad ay tuhunsan yihiin inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkastoo illaa hada ay sheegan in gacanta ay ku hayaan ilaa shan qof oo ka tirsan Al shabaab oo u ku jiro nin Dalka Suudaan u dhashay.

Sidoo kale, Hawl-galladaan ayaa si wadajir ah waxay ciidamada Ammaanka Puntland iyo kuwa Danab ee Kumaadoosta Somalia uga fulinayaan xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay wada-dagan yihiin maamullada Gal-mudug iyo Punltland. Dhinaca kale, Bulshada ku Dhaqan Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo dhaweeyay hawl-galladaan lagu bartimaameedsano xubnaha lagu Tuhunsan yahay inay ka tirsan yihii Al-shabaab ee ka dagaallamda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Howl-gallada ay sida wadajirka ah u fulinyaan Ciidamada Danab ee Somalia iyo kuwa Puntland ee PSF, ayaa kusoo beegmaya Xilli uu soo Hagaagayo Ammaanka Magaalada Gaalkacyo oo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay lagu dilay afar ruux oo hal-door u ahaa bulshada Magaalada.