(11/08/2016) Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Muqdisho loo soo wareejinayo

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa taalay magaalada Jowhar ayaa la qorsheynayaa in loo soo raro magaalada Muqdisho, si loo dedejiyo dhismihiisa.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in qorshaha shirka loogu soo wareejinayo magaalada Muqdisho uu yahay mid gabo gabo ku dhow.

Wararka ayaa intaa ku daraya in arrintan looga gol leeyahay in qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan lagu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan, kadib markii ay horay u diideen inay Jowhar tagaan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka mid ahaa in shirka loo soo raro Muqdisho.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho lagu xareyn doono ergooyin matalaya labada gobol, kuwaasoo dooranaya Madaxweynaha.

Qaabka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la mid noqon doona qaabkii loo maray dhismaha Maamulka Koofur Galbeed oo ergooyin la xareeyay ay doorteen Madaxweyne Shariif Xasan.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qorsheyneysa in todobaadka soo socda la ambaqaado wajiga xiga ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana la qorsheynayaa in la dhiso ka hor inta aan la gaarin doorashada.