(11/08/2016) Dowladda Swedan oo safaaradda Ecuador kusoo dhex wareysaneysa Julian Assange

Safaaradda Ecuador ee London ayaa ogolaatay in dowladda Swedan ay wareysi la xiriira kiiskiisa kufsiga kula yeelato gudaha safaaradda aas-aasaha shabakadda Wikileaks Julian Assange

Arrintann ayaa noqoneysa baal cusub oo u furmay Mr. Assange oo ay dowladda Swedan ku haysato kiis kufsi ah kaas oo sababat in uu Assange magangalyo siyaasadeed ka dalbado safaaradda dalka Ecuador ee London afar sano ka hor.

Dowladda Ecuador ayaa afartii sano ee u dambeysay waxa ay isku dayeysay in ay soo afjarto kiiska Assange, balse waxaa arintaasi ka cagajiidayay dowladda Swedan oo hada u muuqata mid koray culeys caalami ah oo ku aadan kiiska ninkan.

Iminka waxaa ay labada dowladood isla meel dhigayaan waqto lagu fuliyo waresiga.

Mr. Assange ayaa horay u sheegay in kiiska loo haysto uu yahay mid lasoo abaabulay oo ay ka dambeyso dowladda Mareykanka maadaama boggiisa internetka ee Wikileaks lasoo dhigay sirar culus oo laga fashiliyay dowladda Mareykanka.