(11/08/2016) UGAAS XASAN: Shirkii Wada-tashiga Wixii laga filayay waxaan ahayn ayaa kasoo baxay (Video)

Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan oo si wadjir ah maanta shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa si adag uga hadlay Qodobbadii dhawaan laga soo saaray Shirkii Wada-tashiga ee Hoggaamiyayaasha Somalia ugu soo Dhammaaday magaalada Muqdisho. Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa sheegay inay shirka madasha-wadda-tashiga kusoo dhamaaday sidda uu hadalka u dhigay wax aan aheyn wixii bulshada Soomaaliyeed ka filayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in dhamaan wixii wadda -hadalo ahaa ee u dhaxeeyay urur gobolleedka IGAD,dowladda federaalka iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan soo afjarmeen.