Trump oo diiday inuu Muslimiinta la casheeyo habeenkii Ciidda

Trump oo diiday inuu Muslimiinta la casheeyo habeenkii Ciidda

US President Donald Trump talks with Secretary of State Rex Tillerson at the White House on 12 June, 2017.Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Donadl Trump iyo xogahayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jibiyay caado muddo 20 sano soo jirtay markii uu diiday inuu martigeliyo casho sharafeed munaasabadda Ciidda awgeed.

Aqalka Cad ayaa martigelin jiray munaasabaddan sanad kaste tan iyo markii uu Clinton ahaa madaxweynaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Rex Tillerson, oo wasaaradiisu lagu waday inay qabanqaabiso xafladan ayaa diiday, isagoon sharraxaad ka bixinin.

Bishii May, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay ku warrantay in Mr Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in cashada Ciidul Fitriga la qabtaa sandkan sidii caadada ahaydba.

Mr Trump ayaa horay loogu dhaliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihiisa doorashada sida inuu ku baaqay in basaasid lagu sameeya masaajidada Muslimiinta.

Former US President Barack Obama hosts the annual Iftar dinner celebrating the Muslim holy month of Ramadan in the East Room of the White House July 22, 2015Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Seddaxdii madaxweyne ee ka horreysay Obama ayaa xafladan qaban jiray sanad walba. Sawirkan waa cashadii uu Trump Muslimiinta u qabtay sanaddii 2015.

Cashada habeenka Ciidda ee Aqalka Cad uu qaban jiray ayaa soo jirtay tan iyo sanaddii 1999, waxaana ka soo qeybgali jiray hogaamiyayaasha Muslimiinta caanka ah ee Mareykanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Trump ayaa haseyeeshee, war qoraal ah oo uu soo saaray ugu hambalyeeyay Muslimiinta u dabbaaldageysa Ciidda. Waxa uu sheegay in munaasabadan ay “ina xasuusineyso ahmiyadda naxariista iyo samafalka`.