(12/08/2016) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna oo ku dhaawacay Shil gaari.

Shilkan Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhaawacmay Xubno tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca, Xasan Maxamed Warsame iyo 3 kale oo ka mid ah ilaaladiisa ayaa dhaawac waxuu ka soo gaaray Shil gaarigooda uu ku galay Gobolka Galgaduud.

Mr. Xasan Maxamed Warsame iyo ilaaladiisa ayaa markii hore ka soo baxay sida la sheegayo Degmada Guriceel, waxeyna ku sii jeedeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Mr. Xasan Maxamed uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray Shilkaasi.

Dhawaaca Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Guriceel, si halkaasi loogu dabiibo.