Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Waa Tusaalaha Hoggaanka Fiican ee Afrika – SAWIRO

Waxay ahayd madal cilmiyeed farxad leh! Waxaa ina daashaday colaad, abaar, gaajo, qaxooti, barakac, musuqmaasuq iyo waxyaabo kale oo laga naxo, oo dhegaheenna ku soo dhaca markiiba Soomaaliya la soo hadalqaado.

Laakiin madashani way ka duwanayd waxaa lagu soo bandhigay buug xambaarsan bog sharaf iyo qaddarinba leh oo ka mid ah bogagga taariikhda Soomaaliya. Waa buugga “Africa’s First Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen” ee uu qoray Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, dhowaanna la dabacay.

Madasha waxaa soo qabanqaabiyay machadka ISOS ee cilmibaarista Soomaaliyeed ee Jaamacadda Muqdisho, 05/01/2017; waxaana ka sooo qaybgalay aqoonyahanno iyo waxgarad kala duwan.

“Maktabadaha ayaan ku arkay maqaallo yaryar oo jaraa`id ku soo baxay lixdameeyadii oo Soomaaliya wanaag lagaga sheegayo, Dabagalkii hawshaas ayaa buuggan noqotay!” ayuu yiri Prof Samatar markuu ka hadlayay qorista buuggan oo muddo sannado ah diyaarintiisu ku qaadatay.

Profisoorku wuxuu faahfaahiyay cutubyada uu buuggu ka kooban yahay iyo nuxurka xogta iyo fikradda uu xambaarsan yahay. Wuxuu buuggu tilmaamayaa in madaxweyne Aadan Cadde iyo R/wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ay tusaale fiican u yihiin hoggaan Afrikaan ah oo dhisay maamul wanaagsan.

Soo bandhigiddaas ka dib ayay ka qaybgalayaashu qoraaga la wadaageen wixii su`aalo iyo faallo ah. Jawi farxad iyo raynrayn leh ayuu ku soo dhammaaday kulankan oo ka mid aha barnaamijka “Cilmiwadaag” ee uu sida joogta ah  u qabanqaabiyo machadka ISOS (www.isos.so) oo xaruntiisu tahay Muqdisho.

Machadka ISOS (Institute for Somali Studies) waa xaruncilmaariseed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho kana shaqeeyaa cilmibaarista Soomaalida, ha noqoto Geeska Afrika ama qurbaha intaba Wuxuuna soo dhowaynayaa aqoonyahannada danaynaya.

bandhigaa-1

bandhig-5

bandhig-7

bandhig-6

bandhig-1

bandhig-2

bandhig-3

bandhig-4