(August 13,2016) Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay in Ciidammo Dheeraad ah loo diro Koonfurta Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in la geeyo dalka Koonfurta Sudaan Ciidammo dheeraad ah oo nabad-ilaalineed, kuwaasoo tiradoodu tahay 4000 oo askari, kana socda waddamada gobolka.Caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba ayaa waxaa lagu Dagaallamay dhawr casho bilshii lasoo dhaafay, kaasoo dhaliyay dhimashada Boqollaal Ruux iyo weliba dhaawac fara badan.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa intii shirkooda uu socday waxay ku doodeen in xukuumadda South Sudan ay saaran tahay inay dadka rayidka ah ilaaliso, iyagoo millateriga Waddankaas ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen xad-gudubyo dhacay. QM ayaa ciidankan dheerad ah waxay Koonfurta Suudaan u diraysaa iyadoo xaaladdu ay tahay haatan mid deggen, inkastoo dagaalladii dhacay oo ahaa mid ku dhexeeyay ciidamo kala taabacsanaa Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar oo haatan magaalada Juba ka maqan. Ciidamadan dheeraadka ah ayaa waxay amar u haystaan ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Juba, sida Garoonka Diyaaradaha dalkaas iyo xarumaha kale ee muhiimka ah.

Waxayna Ciidankan amar u haystaan inay ka hortagaan cid walba oo isku-dayda inay weeraraan xarumaha QM iyo kuwa hay’adaha kale ee gargaarka ka shaqeeya. Dhanka kale, Xukuumadda Koonfurta Sudan ayaa tallaabadan dalkeeda lagu geynayo ciidamada Hasayeeshee South Sudan ayaa waxa ay iska diiday qaraarka Qaramada Midoobay iyadoo qaadashada go’aankaasna ku tilmaantay mid nasiib darra ah.