(August 13,2016) Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsanaa howl galada Gobolka Hiiraan lagu dilay duleedka Beeldweyn.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim C/llaahi ayaa warbaahinta u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabayay Cabdi Aadan.

Maleeshiyaad tangensen dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay sarkaalkan ku dileen deegaanka Luuq Jeelow, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ka dhacay deegaankaas lagu dilay labo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan la dilay ayaa caan ka ahaa Gobolka Hiiraan, waxaana lagu eedeeyay inuu dhowaan duleedka Beledweyn ku gowracay Nabadoon si weyn looga yaqaanay gobolkaas.