(August 14,2016) Toban caruur ah oo lagu diley duqeyn ka dhacdey dalka Yemen (Video)

Duqeynta ayaa la aaminsan yahay in ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka ee dalka Sucuudiga, ee taageera xukuumada taagta daran ee dalka Yemen.

– Waxaan helney 10 caruur ah meydkood iyo 28 dhaawac ah, kuwaas oo dhamaantood ka yar 15 sano, waxaana diyaaradaha dagaalku ku duqeeyeen Dugsi quraan ku yaala magaalada Haydan, sidaas waxaa yiri Malak Shaher oo u hadley hay’adda MSF ee dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn.

Haydan ayaa ku taala gobolka Sacda ee Waqooyiga dalka Yemen. Diyaaradaha Sucuudiga ayaa horey loogu eedeeyey in ay duqeeyeen Isbitaal ay maamusho MSF oo ku yaala isla magaalada hadda caruurta lagu diley, iskuulo iyo xero dad ku barakacay dagaalada ay deganayaan.

Xulafadu Sucuudigu hogaamiyaao ayaa bilowgii sanadkii 2015 bilaabey duqeynta dhanka cirka ah ee ay ku hayaan dhulka ay qabsadeen falaagada Xuuthiyiinta ee ay taageetto Dowladda IRAN ee qabsatey inta badan magaalooyinka dalka Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca.