(August 15,2016) Madaxweynaha Zambia oo mar labaad ku guulaystay doorashada dalkaasi

Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa ku guulaystay doorasho labaad iyadoo mucaaradka ay ku eedeynayaan musuqmaasuq.

Gudiga doorashada ayaa sheegay inuu helay in ka badan konton boqolkiiba doorashada Khamiista, isagoo ka guulaystay Hakainde Hichilema, oo ku guulaystay ku dhawaad 48 boqolkiiba.

Afhayeenka mucaaradka ayaa ku eedeeyay gudiga doorashada inay la jiraan Mr Lungu iyagoo sheegay inay maxkamada dastuurka ay gayn doonaan dacwad.

Mucaaradka ayaa ka cawday daah iyo isdabamarin markii ay socotay tirinta.
Kormeerayaasha ajnabiga ayaa sheegay in codbixinta ay si nabad ah u dhacday, laakiin warfaafinta ay la jirtay dowladda.