(August 15,2016)Xujaydii ugu horeysay ee ku sii jeeda Xajka oo ka dhooftay Garoonka Aadan cadde (Sawiro)

Shirkadaha Dayuuradaha Soomaalida ayaa bilaabay inay Xujeyda u daabulaan dalka Sacuudi Arabiya, iyadoo dhinaca kalana ay diyaaraddii ugu horeysay oo Xujey sida ay galabta ka ambabaxday Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Dayuurad ay leedahay shirkada Jubba Airweys ayaa galabta u qaaday wadanka Sacuudiga 163 qof oo ah xujaydii ugu horeysay sanadkan ee Soomaaliya ka dhoofta.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadaha duulimaadyada ayaa sheegay in sanadkan ay u qorsheysan magaalada Muqdisho iney ka daabulaan xujay gaareysa illaa afar kun oo qof, iyagoo sheegay in tiradan aysan ku jirin xujayda kale ee ka baxaya gobolada dalka.

Degaanada hoostaga maamulada Puntland, Somaliland Jubaland iyo meelo kale ayaa iyana lagau wadaa iney ka dhoofaan kumanaan xujay ah sida masuuliyiinta shirkadaha dayuuraduhu ay sheegeen.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanad kasta ka qeyb qaata gudashad waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana dadkaas ay ka kala yimaadaan caalamka Islaamka.