(August 15,2016) Uganda oo Ciidan Boolis ah u soo direysa Soomaaliya

Taliye ku xigeenka booliska dalka Uganda Christine Alalo ayaa sheegay inay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo boolis ah oo ka qeyb qaadan doona sugista amaanka meelaha ay ka dhacayaan doorashada sanadkaan dalka ka dhacaysa.

Christine Alalo waxaa uu sheegay inay diyaariyeen dhawr cutub oo ciidamo boolis ah oo booliska Soomaaliya kala shaqayn doona sugida amaanka dalka inta ay socoto doorashada lagu soo dhisayo dawlada soo socota.

“Doorashadaan waa ay ka duwan tahay doorashooyinka kale ee dalalka Afrika ka dhaca sidaas darteed waxaan diyaarinay ciidamo boolis ah oo doorkoodu yahay inay la shaqeeyaan booliska Soomaaliya inta doorashadu socoto” ayuu yiri Christine Alalo taliye ku xigeenka booliska Uganda.

Wargeyska New Vision ee Uganda kasoo baxa ayaa qoray in jimcihii Tababar loo xiray boqolaal askari oo booliska Uganda ka tirsan kuwaasoo dhawaan kusoo biiri doona ciidamada booliska Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.