(August 15,2016) Ciidanka Danab oo soo qabtay gaari & hub uu lahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab (Sawiro)

Ciidamada Kumandoska Somalia ee loo yaqaan Danab ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo gaari iyo hub uu lahaa Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa la yiraahdo Nuur deeq.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay in Nuur deeq uu Al-shabaab u qaabilsan yahay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada Gaalkacyo.

Gaarigan oo noociisu yahay Land Criuser ayaa waxaa laga soo qabtay isla guri uu degenaa Nuur deeq oo magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale soo bandhigay hub ay ka soo heleen isla gurigan oo ka kooban labo qori oo noocoodu yahay Ak-47, khasnadaha rasaasta la gashado iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin labo taargada baabuurta ah.

Howlgal ciidamada Danab iyo kuwa Puntland ka sameeyeen habeeno ka hor waxay isla guriga Nuur deeq ka soo qabteen Saciid C/llaahi Al-Sudani oo sida la sheegay ahaa sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab kaasoo sida la sheegay ku Xeeldheer sameynta miinooyinka iyo xubno kale.




Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com