(August 17,2016) Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka oo maanta aqalka horkeenay ilaa shan cutub oo ka mid ah dastuurka

Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka ayaa maanta aqalka horkeenay ilaa shan cutub oo ka mid ah dastuurka oo ay soo jeediyeen in laga sameeyo dood.

Dooddan ayaa noqon doonta mid ka mid ah doodaha ugu dambeeya ee uu yeelanayo baarlamaankan ka hor inta aanu waqtigu ka dhammaanin.

Heshiiska ay dhowaan gaadheen Madaxda Hoggaanka Madasha ayaa dhigaya in baarlamaan cusub lasoo doorto horraanta bisha Oktoobar ee soo socota.