(August 17,2016) Ururka Forum Syd iyo shirkadda Business Sweden oo iska kaashaneya barnaamij horumarin oo lagu taageerayo ganacsatada iyo shirkadaha yaryar ee doonaya in ay maalgashaan Soomaaliya.

Ururka Forum Syd iyo shirkadda Business Sweden oo iska kaashaneya barnaamij horumarin oo lagu taageerayo ganacsatada iyo shirkadaha yaryar ee doonaya in ay maalgashaan Soomaaliya.

Haddaba dhowaantan ayey ka dhici doonaan kullammo loo qaban doono ganacsatada soomaalida iyo ciddii kale ee xiiseeneysa siday ganacsi uga furi lahayd Soomaaliya, sida ay noo sheegtay Erike Tanghøj, ahna isu-duwaha mashruucan, mar ay xarunta idaacadda nagu soo booqatay.
Erike Tanghøj, ayaa sheegtay in mashruucan loogu talo galey sidii howlo shaqo loogu abuuri lahaa waddammada ka soo kabanaya dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka mid tahay, isla-markaana ey shirkadleeyduna kaalin ballaaran ey ka qaadan karaan waa sida ay hadalka u dhigtay:

Mashruucan oo iminka bilow ah ayaa ka kooban qeybo kala duwan, hadday noqon lahayd sidii taageero dhaqaale loogu fidin lahaa ganacsatada xiiseeneysa iyo haddii ey u baahan yihiin aqoon-korosi, sidii ey ugu guuleey-san lahaayeen ganacsigooda, sida ay sheegtay Erike Tanghøj.

Kullammadan lagu casumeyo shirkadlayda ayaa ka dhici doona magaalooyin dhowr ah bisha septeember ee foodda innagu soo haysa. Magaalooyinka: Stockholm, 3-da bisha septeembar oo lagu qaban doono xarunta kullammada ee Kista Träff. Halka 6-da bisha septeembar kulan lagu qaban doono magaalada Borlänge, xarunta dugsiga sare ee Erikslund.

Halka magaalada Malmö xaruntiisa Somali Infornation Business Center uu kulanku ka dhici doono 13 ka bisha Septeember. !4-ka septeemberna uu kulan noocaasi ahi ka dhici doono magaalada Göteborg xarunta Folkets Hus. Halka ugu dambeeyn 18 septeember kulan lagu qaban doono magaalada Umeå xaruntiisa Folkets Hus.

War-bixinno intaa ka badan cidii xiiseenaysa waxay ka daalacan kartaa shaashadda internetka <http://www.forumsyd.Org> iyo weliba sidii la isku diiwaan-gelin lahaa cidda kullammadaa xiiseenaysa inay ka qayb qaadato.

kenadid.mohamed@sr.se

http://sverigesradio.se/sida/artikel.aspx?programid=2172&artikel=6498335&playaudio=5806522